Our Team

HaqCheck

HaqCheck waa mashruuc hubin xaqiiqo ah oo maxalli oo luuqado badan ku baxa, saldhigiisuna Itoobiyayahay. HaqCheck waxaa Noofembar 2020, laga dhex sameeyay gudaha qolka wararka ee Addis Zeybe, Halka ay hadda katirsan Mashruuca wargelinta la dagaalanka Warxumada Afrika ee “Africa’s Countering disinformation project”. HaqCheck oo kaashanaysa Haya’daha warbaahinta waxay ka shaqaysa Xaqiijinta xogta si ay ula socoto una hubiso dulucda qoralada tabinta warbaahinta ku jira ee Af-ingiriiska iyo afar luuqadood oo maxalli ah (Amxari, Af-Oromo Af-tigree iyo Af-Somali).

Tan iyo markii la aasaasay, HaqCheck waxay hubinaysay xogaha arrimaha kala duwan ee warbaahinta Itoobiya ku aaddan. Waxa intaa dheer oo ay Haqcheck diyaarisa Sookoobida toddobaadlaha ah, falanqaynta isbeddelka bilaha ah iyo cilmi-baaris ku saabsan Xaalada taagan iyo arrimaha laxidhiidha, iyada oo lala kaashanayo ururada iyo hay’adaha warbaahinta kaladuwan.